Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi sare oo ka socday WFP iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la xoojiyo dadaallada lagu yareynayo cunno-yarida iyo sugnaanta la’aanta cuntada ee dalka.
Wafdiga WFP oo uu hoggaaminayay Matthew Hollingworth ayaa dowladda Soomaaliya kala hadlay sidii gargaar degdeg ah looga gudbi lahaa loona wajihi lahaa xalal waqti dheer soconaya oo lagu taageerayo beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo kordhin lahaa wax-soo-saarka gudaha, looga faa’iideysan lahaa roobabka xilliyeedka, isla markaana loo dhimi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka dibadda.




From the comments