Goobjoog

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyey xilliga la qaban doono doorashooyinka maamul goboleedyada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka muhiimka ah ee ka dhici doona qaar ka mid ah maamullada dalka. Guddiga ayaa ku dhawaaqay in 13-ka…

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyey xilliga la qaban doono doorashooyinka maamul goboleedyada
epa000292280 A Somali Member of Parliament for the Transitional Federal Parliament for the Somali Republic cast his vote as the first round of voting began to elect a President, Sunday, 10 October 2004, in Kenya’s capital Nairobi. Somali peace talks have been ongoing for almost two years in Kenya culminating in this extraordinary session of parliament held outside its own borders. EPA/STEPHEN MORRISON

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashooyinka muhiimka ah ee ka dhici doona qaar ka mid ah maamullada dalka.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in 13-ka May 2026 la qaban doono doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo kuwa Golayaasha Deegaanka ee maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo lagu tilmaamay doorashooyin si isku mar ah u dhacaya.

Sidoo kale, guddigu wuxuu caddeeyay in doorashada Golayaasha Deegaanka ee maamulka Waqooyi Bari la qaban doono 30-ka June 2026, taas oo qayb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu dardargelinayo hanaanka dimuqraadiyadda dalka.

Doorashooyinkan ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan xoojinta dowlad-dhiska, kor u qaadista matalaadda shacabka, iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments