Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in 28-ka bishan la qaban doono doorashada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo golayaasha deegaanka ee degmooyinka maamulkaas.
Doorashooyinkan ayaa si gaar ah u noqonaya qof iyo cod, taasoo ka dhigeysa Koonfur Galbeed maamulkii ugu horreeyay ee dalka ka hirgeliya nidaamkan, iyadoo si isku mar ah loo dooranayo Baarlamaanka dowlad goboleedka iyo goleyaasha deegaanka.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dhammaan diyaar garowga doorashooyinka la dhameystiray, isla markaana la hubinayo in ay u dhacaan si hufan, xor iyo xalaal ah.




From the comments