Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta guul weyn ka soo hooyay dagaal culus oo ka dhacay agagaarka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Bay, kadib markii ay iska caabiyeen weerar dhabagal ah oo ay isku dayeen maleeshiyaadka Shabaab.
Dagaalkan ayaa horseeday in kooxda Shabaab lagu gaarsiiyo khasaare xooggan, waxaana goobta looga dilay 21 maleeshiyo halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka Daynuunaay, kaas oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xira wadada muhiimka ah ee Baydhabo iyo Muqdisho.




From the comments