Xoghayaha Guud ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu xisbiga u hayay iyo xubinnimadiisaba, isagoo go’aankan u sababeeyay kala aragti duwanaansho qotodheer oo muddo dheer kala dhaxeeyay Guddoomiyaha Xisbiga, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Mas’uulkan ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay in khilaafku salka ku hayo hannaanka maamulka dalka, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu talada dalka iyo tan xisbigaba ka dhigay mid isaga kaliya ku kooban, isla markaana uu diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan kiisa ama uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed iyo hay’adaha dowladda.
Waxa uu sidoo kale si adag uga hadlay arrimaha masiiriga ah ee dalka, isagoo xusay inuu isku dayay inuu Madaxweynaha ka qabto hannaanka loo marayo wax-ka-beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay mid kala fogeynaya ummadda Soomaaliyeed, wiiqayana mabaadi’ida federaalka.




From the comments