Laba arday oo Soomaaliyeed oo dhigta sharciga ayaa taariikh sameeyay kadib markii ay noqdeen kooxdii ugu horreysay ee ka socota dalka oo ka qayb gasha tartan caalami ah oo ku saabsan garsoorka ganacsiga (arbitration) oo lagu qabtay Hong Kong.
Ardaydan oo ka socotay Jaamacadda Muqdisho ayaa ka qayb galay tartanka Willem C. Vis East International Commercial Arbitration Moot oo socday 15 ilaa 22 Maarso. Tani waxay noqotay markii ugu horreysay ee Soomaaliya si rasmi ah uga soo muuqato tartankan heer caalami.
Kooxda ayaa ka koobneyd Samira Yusuf iyo Sabirin Elmi, kuwaas oo ku tartamay qorista doodaha sharciyeed iyo jeedinta dood afka ah ee ku saabsan khilaafaadka ganacsiga caalamiga ah. Tartankan ayaa sanad walba soo jiita jaamacado badan iyo kumannaan arday oo ka kala yimaada dalal kala duwan.




From the comments