Goobjoog

DFS oo si Rasmi ah ugu Dhawaaqday in dalku galayo Marxalad Doorasho oo Toos ah oo loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu wargelisay shacabka Soomaaliyeed in dalku uu galayo marxalad doorasho oo loo dhan yahay, taas oo…

DFS oo si Rasmi ah ugu Dhawaaqday in dalku galayo Marxalad Doorasho oo Toos ah oo loo dhan yahay
epa000292280 A Somali Member of Parliament for the Transitional Federal Parliament for the Somali Republic cast his vote as the first round of voting began to elect a President, Sunday, 10 October 2004, in Kenya’s capital Nairobi. Somali peace talks have been ongoing for almost two years in Kenya culminating in this extraordinary session of parliament held outside its own borders. EPA/STEPHEN MORRISON

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu wargelisay shacabka Soomaaliyeed in dalku uu galayo marxalad doorasho oo loo dhan yahay, taas oo ku dhisnaan doonta hufnaan iyo dhowrista shuruucda dalka.

Wasaaraddu waxay caddeysay in doorashadu tahay xaq dastuuri ah oo muwaadin kasta leeyahay, iyadoo door muhiim ah ka qaadanaysa xoojinta kalsoonida dadweynaha iyo ka qaybgalka bulshada ee doorashada cidda ku matalaysa hay’adaha kala duwan ee dawladda.

​Geeddi-socodkan doorashooyinka ayaa loo qorsheeyay inuu noqdo mid toos ah, xor iyo xalaal ah, laguna saleeyo mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka, iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xaqiijisay in dhammaan hay’adaha ku shaqada leh hannaankan ay dhowaan gudan doonaan waajibaadkooda qaran si waafaqsan sharciga, iyadoo Dowladda Federaalku ay mar kale ku celisay ka go’naanshaheeda ku aaddan xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta nidaam doorasho oo hufan oo dalka horay u qaada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments