Goobjoog

Guddiga Doorashooyinka oo Raaligalin ka bixiyey Qalad Farsamo oo ku jiray Liiska Degmooyinka

​ Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray liiska saxda ah ee degmooyinka ay ka dhacayso Doorashada Golaha Deegaanka ee Dawlad-Goboleedyada…

Guddiga Doorashooyinka oo Raaligalin ka bixiyey Qalad Farsamo oo ku jiray Liiska Degmooyinka
epa000292280 A Somali Member of Parliament for the Transitional Federal Parliament for the Somali Republic cast his vote as the first round of voting began to elect a President, Sunday, 10 October 2004, in Kenya’s capital Nairobi. Somali peace talks have been ongoing for almost two years in Kenya culminating in this extraordinary session of parliament held outside its own borders. EPA/STEPHEN MORRISON

​ Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray liiska saxda ah ee degmooyinka ay ka dhacayso Doorashada Golaha Deegaanka ee Dawlad-Goboleedyada dalka, iyadoo isla markaana la saxay qalad farsamo oo ku jiray jadwalkii hore.

​
​Guddigu wuxuu caddayeen in si weyn loogu kuur-galay liiskii hore loo baahiyey, waxaana la ogaaday in si qalad ah loogu daray degmada Goldogob oo ka tirsan Dawlad-Goboleedka Puntland.

​ Degmada Goldogob waxaa horey looga qabtay doorashada Golaha Deegaanka taariikhdu markay ahayd 25-ka May 2023, Sidaas darteed, Goldogob kuma jirto jadwalka cusub iyo liiska degmooyinka ee doorashooyinka hadda loo diyaar-garoobayo.

​Guddiga Doorashooyinka waxa uu cudur-daar ka bixiyey qaladkan farsamo ee dhacay intii lagu guda jiray diyaarinta liiska. Guddigu wuxuu mar kale u xaqiijiyay shacabka Soomaaliyeed iyo ururrada siyaasadda, In geedi-socodka doorashadu u dhici doono si cad.
​ In mar walba la raacayo shuruucda doorashooyinka ee dalka u yaalla.
​

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments