Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si diirran ugu hanbalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad u ah taariikh iyo hiddaha qaran ee Boqortooyada.
Maalintan taariikhiga ah, Soomaaliya waxay hanbalyo iyo bogaadin gaar ah u diraysaa Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakaysan, hoggaanka, dawladda, iyo shacabka Sacuudi Carabiya, iyada oo u rejaynaysa xasillooni waarta barwaaqo, iyo horumar qaran.
Jamhuuriyadda Federaalka ag ee Soomaaliya waxay si weyn u qadarinaysaa xiriirka walaaltinimo ee qotada dheer iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo ku dhisan ixtiraam, kalsooni, iyo danaha wadajirka ah.




From the comments