Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyey shirka Amniga oo lagu gorfeeyay xaaladda caasimadda iyo guud ahaan gobolka Banaadir.
Shirka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, iyo Taliyeyaasha guutooyinka Militariga ee ka shaqeeya taageerada booliska ee loo yaqaan Bolisiya Militaaro, ayaa lagu guudmaray; Dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, Kordhinta wadashaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka. Ka hortagga falalka amni-darrada iyo abuuridda jawi nabadeed oo shacabka loogu adeego si hufan.
Shirka ayaa adkeeyey: In la xoojiyo joogteynta is-dhexgalka iyo xog-wadaagga hay’adaha amniga, In la dar-dargeliyo hawlaha ka hortagga falalka nabadgelyo-darrada, iyadoo xoogga la saarayo degmooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda, gaar ahaan xakamaynta kooxaha dambiyada abaabulan gaysta.




From the comments