Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay 34 sano ka dib dhowaan ay dib u howlgelin doonto diyaaraddii qaranka ee Somali airlines, waxaana arrintaas warbaahinta u sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux.
Dowladda ayaa heshiis ay ku soo iibsanayso laba diyaaradood oo nuucoodu yahay Airbus A320 la gashay shirkad ajanabi , waxayna diyaaradahaasi ku howl gali doono muddo laba bilood gudahood ah, ayagoo ku duuli doona magaca iyo calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Somali airlines oo la aas-aasay sanadkii 1964-kii ayaa sideetameeyadii iyo tobaatameeyadii sumcad weyn ku lahayd dunida, gaar ahaan Afrika, waxaana si isku mid ah ugu safri jirey madaxda iyo rakaabka shacabka ah, nasiib darro’se waxay kamid noqatay hay’adihii qaranka ee ku burburay dagaalladii sokeeye.




From the comments