Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, oo lagu soo xulay si hufnaan iyo caddaalad ah.
Guddiga ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ayaa ka kooban 15-xubnood oo ah aqoonyahanno leh karti, khibrad iyo waayo aragnimo la xiriirta arrimaha waxbarashada iyo maamulka, kuwaas oo ka shaqeyn doona horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka, waxaana ay kala yihiin:
1. Dr. Cabdinuur Maxamud Guddoomiyaha Guddiga
2. Dr. Maxamed Cali Faarax Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga
3. Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed Xubin
4. Dr. Axmed Adam Maxamed Xubin
5. Dr. Roble Ibrahim Liban Xubin
6. Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar Xubin
7. Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) X u b i n
8. Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif Xubin
9. Dr. Cabdiwahab Ali Mumin Xubin
10. Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxman Xubin
11. Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xubin
12. Dr. Maxamed Macallin Abdullahi Kutub Xubin
13. Dr. Maxamad Ibraahim Nuur Xubin
14. Dr. Maxaamuud Yusuf Garre Xubin
15. Dr. Nadiifa Sheekh Cumar Xubin




From the comments