Allaha u naxariistee waxaa la xaqiijiyay geerida Cabdulqaadir Xaaji Maxamed oo ahaa madaxweyne ku xegeenkii labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo goor dhoweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Lugaha Dheere muddooyinkii dambe xaalad caafimaadka oo adag ku jiray ayaa ugu dambeyn saacado ka hor dhintay, sida laga soo xigtay xubno ka tirsan maamulka Jubbaland iyo qoyskiisa.
Siyaasigan oo muddo dheer ka tirsanaa masuuliyiin sare ee maamulka Jubbaland ayaa xilka Madaxweyne ku xigeenka hayay taniyo sanadkii 2013-kii, asagoo dhowr mar dib loo magacaabay.




From the comments