Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “wixii ku dhacay walaal reer waqooyi qalad dowladi gashay ayay ahaayeen”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay 26-ka Juun oo ah markii ugu horreysay ee dhul Soomaaliyeed oo madax-bannaani helay, gaar ahaan gobollada waqooyi ayaa sheegay in ay ka go’antahay xoojinta midnimada iyo wadajirka dalku.
Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dhibaatadii dabayaaqadii sideetameeyadii ka dhacday gobollada waqooyi ayaa sheegay in dadka reer Soomaaliland lagula kacay gef dowladnimo, balse uusan jirin nacayb ay Soomaalida kale u qabto.




From the comments