Agaasimihii hore ee Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii uu ku guulleystay kursiga HOP058.
Doorasho ka dhacday xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar, ayna ka qeyb-galeen xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, bulshada rayidka iyo ergada beesha leh kursiga ku guuleysatay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ka dib markii uu tanaasulay musharax Ismaaciil Warsame Faarax oo tartanka qeyb ka ahaa.
Ergada doorashada ee kursiga #HOP058 waxaa soo xaadirtay 101 ergo, Doorashada waxay u dhacday hab xasiloon, waxaana cod gacan-taag ah ku guulleystay musharrax Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 Cod halka ay ka ka aamustay 3 Codbixiye.




From the comments