Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu hambalyeysay Boqortooyada Baxrayn guusha ay ka gaartay doorashadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo Talaadadii ka dhacday magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Baxrayn ayaa loo doortay xubin aan joogto ahayn oo mataleysa Aasiya, xilli uu socdo xulista xubnaha cusub ee Golaha Ammaanka, oo xilkaasi hayn doona inta u dhaxaysa 2026 illaa 2027.
Soomaaliya oo hadda xubin ka ah Golaha Ammaanka muddo laba sano ah (2025–2026), ayaa sheegtay inay si weyn u soo dhoweynayso doorashada Baxrayn, isla markaana ay rajaynayso wada-shaqeyn laba geesood ah oo ku saleysan danta wadajirka ah ee dalalka Carabta iyo Muslimiinta.




From the comments