Wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa dhowaan loo magacaabay danjire Axmed Macallin Fiqi, ka dib isku shaandhayn lagu sameeyay qaar kamid ah golaha xukuumadda.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo lagu ammaanay hawlkarnimo shaqo iyo firfircooni hoggaamineed.
Wasiir Fiqi ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka, waxayna masuuliyiintii la soo shaqeeyay ku tilmaameen mid kamid ah madaxdii ugu waxqabadka feecnaa ee soo maray NISA intii lagu jirey sanadihii 2012 iyo 2013 oo kamid ahaa xilliyadii ugu adkaa nabadgelyada dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.




From the comments