Maanta oo talaado ah ayaa si rasmi ah degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir looga bilaabay is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada, taasoo qeyb ka ah diyaar-garowga doorashooyinka la filayo in dalka laga qabto.
Hawlgalka is-diiwaangelinta ayaa waxaa daahfuray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, guddiga doorashooyinka qaranka, iyo xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah.
Dadweynaha degmada Xamarjajab ayaa si weyn ugu soo baxay goobaha is-diiwaangelinta, iyagoo muujiyay xiisaha ay u qabaan ka qeybgalka hanaanka dimuqraadiyadda ee dalka.




From the comments