Goobjoog

Puntland oo si adag u beenisay inay mushaarka ka joojisay ciidamada jooga deegaanada SSC-khaatumo

Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag u beenisay war saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal-hayay oo ku saabsanaa inay mushaarkii ka joojisay ciidamada ku sugan deegaanada maamulka SSC-Khaatumo,…

Puntland oo si adag u beenisay inay mushaarka ka joojisay ciidamada jooga deegaanada SSC-khaatumo

Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag u beenisay war saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal-hayay oo ku saabsanaa inay mushaarkii ka joojisay ciidamada ku sugan deegaanada maamulka SSC-Khaatumo, ka dibmarkii dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay aqoonsanayso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay inay been-abuur tahay xogta ku saabsan mushaar joojintaasi, waxayna Wasaaraddu intaas ku dartay in laamaha ammaanku ay tillaabo ka qaadi doonaan kuwa caadaystay faafinta been-abuurk.

Dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay sidaanoo kale u beenisay in garoomadeeda ay ka joojisay diyaaraddii qaaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee geysay Laascaanood, ka dib markii xogo arrintaas tilmaamaya baraha bulshada lagu baahiyay.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments