Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka Kuwait ayaa maanta waxa uu kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Kuwait Marwo Eng. Nuura Sulaiman Al-Fassam iyo saraakiil sare oo Wasaaradda Maaliyadda Kuwait ka tirsan.
Kulanka oo ay Wasiirka Maaliyadda ku wehlinayeen Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Abdirahman Mohamed Abdullahi iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Kuwait City Dr. Abdullahi Mohamed Shiekh ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumatinta Maaliyadda Soomaaliya iyo xiriirka labada dal ee iskaashiga dhaqaalaha.
Kulanka oo miro-dhal ahaa ayaa labada dhinac waxa ay si gaar ah u dul istaageen arrimaha maalgalinta iyo Ganacsiga oo madaxda Dowladda Soomaaliya ay dhawaanahaanba juhdi gaar ah ku wadeed sidii loo maalgalin lahaa ilaha soosaarka dhaqaalaha dalka.




From the comments