Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si cad u xaqiijiyay inuu booqan doono magaalada Laascaanood.
Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad lagu wareejinayay xilka Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo tilmaamay in booqashadiisa aysan wax dhibaato ah ku ahayn maamul Soomaaliyeed.
“Laascaanood waan tegeyaa, dhibna kuma ahaa booqashadaasi maamul Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo muujiyay go’aankiisa iyo kalsoonida uu ku qabo socdaalkiisa.




From the comments