Madaxdii hore ee dalka iyo waxgaradka bulshada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in loo midoobayo dagaalka lagula jiro kooxaha Daacish iyo Alshabaab iyo halisaha kale ee dalku uu xilligan wajahayo.
Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan dhibaatooyinka haysta oo dagaalku kamid yahay iyo halista ka imaanaysa shisheeyaha doonaya inuu kala qeybiyo kheyraadkoodana qaato.
Cabdiweli Gaas oo baaqiisa ku adkeeyay maahmaahdii ahayd “markii cadowgaagu bato cududdaadaa la mideeyaa” ayaa sheegay in kooxaha Alshabaab iyo Daacish ay ku baraareen kala qeybsanaanta dadka iyo maamullada dalka, sidaas darteedna loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto.




From the comments