Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay, in dad ka badan 50 qof ay u dhinteen toddobaadyadii la soo dhaafay kiisas xanuuno aan la garaneeyn waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Laga soo bilaabo bishan Febraayo 16-keedii, waxaa jiray 431 xaaladood iyo 53 dhimasho ah oo ka dhashay laba cudur oo ka dillaacay tuulooyin fog-fog oo ku yaal gobolka Equateur, sida WHO ay ku sheegtay war-saxaafadeed. Waxay sheegtay in ay baareyso cudurradan.
Afhayeenka WHO Tarik Jasarevic ayaa ku sheegay in cudurrada dillaacay oo la garaneeyn sababta, ay kiisaskoodu si xawli ah u kordhayaan maalmo gudahood, taas oo khatar weyn ku ah caafimaadka bulshada.




From the comments