Dowladda Soomaaliya iyo Saldanadda Cusmaan ayaa ka wada-hadlay dhismaha dhowr Dekedood oo ay Soomaaliya yeelanayso ka dib kulan laba geesood oo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood iyo wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Suldanadda Cumaan Siciid Bin Xaamud oo dalka soo gaaray ayaa arrintaas ka wada-hadlay.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa dhowr dekedood oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo, taas oo Dowladda Cumaan ay doonayso inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinteeda.




From the comments