Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb-galay wada-hadallo ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).
Wada-hadalladan, oo Soomaaliya muddo sugaysay, ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ka socda ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha.
Ku biirista WTO waxa ay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah.




From the comments