Wararka ka imaanaya magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo xoogagga Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa billowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen magaalada, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Ciidanka deegaanka iyo xoogga dalka ayaa difaacaya magaalada kuwaasoo ka hor tagay weerarka kooxda.




From the comments