Ayadoo dhowaan xeebta magaalada Boosaaso lagu arkay tobanaan kamid ah noolaha oo loo yaqaanno Homboborada, kuwaas oo badda ka soo caaryay ayay dowlad goboleedka Puntland sheegtay inay arrintaas baarayso.
War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ayaa lagu yiri “Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland waxay hawlgalisay khuburada culuumta iyo noolaha badda oo ay kamid yihiin saynisyahanadda Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Citycote ee Boosaaso.
Sidoo kale, waxaa hawshaan ka qayb qaadan doona Wasaaradda Deegaanka iyo Isebedelka Cimilada Dowladda Puntland”.




From the comments