Ciidanka Xoogga Dalka oo ka duulaya Xogo ay shacabaka ka heleen ayaa howgal ka dhacay deegaanada Baar- dheere ee Gobalka Hiiraan ku soo qabtay gaari saanad ciidan u weday kooxda Al-shabaab.
Taliska guutada 5aad qaybta 27aad ee CXD ayaa lagu Soo bandhigay Gaari ZakZuki ah iyo 13 Qori oo ah AK-47, Howgalkan ayaana si gaara kaga dhacay duleedka deegaanka Baar-dheere oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Ciidanka oo la sheegay inay heleen xogta gaarigan ayaa gacanta ku dhigay saanaddan ciidan iyo eedeysanihii weday, kaas oo hadda ku jira gacanta laamaha nabad-gelyada.




From the comments