Guddoomiyaha la magacaabay ee maamulka gobolka Benaadir mudane Maxamed Axmed Amiir, waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Deyniile, waxaana uu waxbarshadiisa hoose ilaa heer jaamaceed ku qaatay Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Amiir jaamacadaha dunida qaarkood ayuu wax ka soo bartay, wuxuuna shahaadooyin kala duwan ka haystaa Culuumta Islaamka, Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda, Maamulka iyo Maareynta oo uu ka qaatay Jaamacadaha SOAS, University of London, Dugsiga Dhaqaalaha ee Jaamacadda Moosko, Jaamacadda Yale iyo
Universiteit Leiden ee dalka Holland.
Maxamed Amiir waxaa uu leeyahay waaya-aragnimo dhanka Maamulka iyo Maareynta, iyo amniga iyo siyaasadda ah, Waxaa uu ka soo shaqeeyey wasaaradda Maaliyadda muddo laba jeer ah intii u dhexaysay sanadihii 1986-1990, iyo mar kale oo uu ka noqday khabiir la taliye sare ah ee hagaajinta maamulka maaliyadda iyo fadhisinta hannaanka dowlad wanagga 2010 ilaa 2012.




From the comments