Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga Gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr.Yuusuf Cali Maxamed oo safar shaqo ku jooga magaala madaxda dalka Serbia ee Belgrade ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity.
Agaasimaha ayaa kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ahba la yeeshay Madaxda amniga dowladda Serbia iyo kasoo qeyb-galayaasha shir-weynaha la magac-baxay Sharafta Serbia iyo Africa, waxaana shirkan oo sanadkiiba mar la qabo ka qeyb-galay 51 dal oo Africaan ah, ayadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Serbia iyo qaarada oo dhisan in ka badan 100 sano.
Xariirkan ayaa ah mid leh faa’iidooyin badan oo ay saldhig u tahay xoojinta xiriirka Qaarada iyo dalalka Yurubta Bari oo ay Belgrade xarun u tahay, waxaana shirka lagu casuumaa madaxda Hey’addaha amniga ee Qaarada Africa.




From the comments