Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa amarro culus dul dhigtay dadka jooga magaalada Jigjiga iyo deegaanada kale ee Soomaali galbeed ee taageerada u kala muujiya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland.
Hogaanka nabad-galyada deegaanka ayaa soo saaray go’aan adag oo ku saabsan inaan magaalada Jigjiga iyo deegaanka soomaalidoo dhan looga durbaan tumi karin xiisadda u dhexaysa DFS iyo maamulka Jubbaland, islamarkaana aan la baahin karin afkaaro qabiil iyo kuwa siyaasadeed oo ku aaddan khilaafkaas.
War qoraal ah oo ay soo saareen laamaha nabad-gelyada deegaanka Soomaalidu ayaa lagu yiri “waxaannu haysannaa amni iyo xasilooni siyaasadeed, iyo sidoo kale wada noolaansho bulsho oo aan taariikhda inta uu soo jiray deegaan soo helin,
mana ogolaanayno in lagu kala geeyo bulshada, hebel oo dal kale ah baan ku taageersanahay abtir qabiil, ama dano siyaasadeed , oo aan ugu geeraarayaa jigjiga”.




From the comments