Ayadoo sanad walba dunida laga xuso 1-da bisha december oo ku astaysan maalinta caalamiga ah ee xanuunka HIV AIDS-ka ayaa munaasabado arrintaas ku saabsan lagu qabtay magaalooyin ay kamid tahay caasimadda Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay muhiimadda ka hortagga xanuunka HIV-ka ayaa sheegay in loo baahanyahay inaan la takoorin dadka qaba cudurkan, islamarkaana bulshada laga wacyi-geliyo inay si qaldan u fahmaan kuwa la nool AIDS-ka.
Maalintan caalamiga ah oo la asteeyay sanadkii 1988-dii ayaa xuskeeda looga faa’iidaystaa wacyi-gelinta bulshada iyo baraarujinta siyaabaha looga hortagi karo xanuunka halista, islamarkaana loola dhaqmi karo dadka la nool.




From the comments