Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf, ayaa shaaca ka qaaday in tirinta codadka doorashadii dhawaan ka dhacday Somaliland ay kasoo dhamaadeen heer degmo iyo heer gobol.
Wuxuu sheegay in codadka laga soo uruuriyay heer degmo iyo gobol loo gudbinayay xarunta dhexe ee guddiga doorashooyinka, halkaas oo natiijada kama dambaysta ah lagu diyaarin doono.
Tirinta codadka caasimadda iyo gobollada kale ayaa si nabad ah kusoo dhamaaday, iyadoo guddigu ka digayo warar aan rasmi ahayn oo lagu faafinayo baraha bulshada.




From the comments