Howlgal ay ka fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu guuleystay in lagu dilo ilaa 27 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Shabaab.
Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.
Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey ayaa lala beegsaday kooxo argagixiso ah oo shabaab kasoo ururiyeen deegaanno kala duwan si ay u fuliyaan falal waxyeelo u leh shacabka Soomaaliyeed.




From the comments