Ayadoo dhowaan uu dagaal lagu hoobtay deegaanada qori-lugud iyo shangeed ku dhex maray dhinacyo kala taageersan Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo ayay dowladda Soomaaliya arrintaas baaq ka soo saartay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshisiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo colaaddaas si adag uga hadashay ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha dhinacyada aaggaas ku diriraya.
Wasaaradda ayaa soo jeedisay xabad-joojin shuruud la’aan ah, si loo badbaadiyo dhiigga dadka Soomaaliyeed ee sida macno darrada ah ku daadanaya, sida lagu yiri qoraal ay soo saartay.




From the comments