Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku wareejisay gaadiid badeed oo dhowr doomood ah, kuwaas oo loogu talo-galay ciidamada Ilaalada xeebaha dalka.
Munaasabad Kooban oo ka dhacday Dakadda magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen wasiiru Dowlaha Gaandhigiga, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Taliye ku xigeenka CXD, Taliyaha Ciimada Badda iyo Saraakiil kale ayaa 4-doomood oo ah nuuca dheereeya waxaa lagu wareegiyay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya kuwaasi oo loogu tala galay inay qeyb ka noqdaan sugitaanka amniga xeebaha dalkeena.
Safiirka Ankara ee Soomaaliya ayaa sheegay in Doomahaan wax badan ka tari doonaan sugitaanka ammaan xeebaha, isagoona xusay in taageeradii turkiga ee soo bilaabatay 2011kii ay sii laba jibaarayaan maalinba maalinta ka danbaysa.




From the comments