Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta dib uga furmay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga iyo hanaanka doorashooyinka.
Shirka waxaa ka qeybgalay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Waxaa lagu falanqeynayaa dadaallada dagaalka Al-Shabaab, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo fulinta heshiisyadii hore ee wadatashiga.




From the comments