Goobjoog

Ra’iisul wasaare ku xegeenka labaad ee XFS oo xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha bulshada iyo wasiirkii hore

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan iyo Wasiirkii hore Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  labaad ee Dalka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta arrimaha Bulshada, barnaamijyo shaqo abuur ah  oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka.

Mudane Cabdisalaan Dhaay ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore ee wasaaradda sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Dhanka Kale, waxaa xilka wasiir dowlaha ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada la wareegay, Mudane xildhibaan Caynaanshe yuusuf.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments