Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay Ciidanka Xoogga Dalku ay dileen ugu yaraan 47 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, ka dib markii ay howgal ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.
War-saxaafadeedka ay dowladdu soo saartay ayaa u dhignaa sidan “47 xubnood oo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay hawlgalo bartilmaameed ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISA) oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaano hoos tago degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka ayaa ku beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Khawaariij ah, waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaad badan iyadoo dhanka kale la baabi’iyay fariisinkii Khawaarijtu isku aruursanayeen.




From the comments