Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xalisinta iyo Ilaalinta Arimaha Rayidka, Mudane Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa kulan wadatashi ah kula yeeshay Magalada Muqdisho Saafirka u fadhiya Midowga Yurub Soomaaliya, Marwo Karin JOHANNSON.
Ergayga Ayaa sharaxaad ka bixiyey hawlgaladii ugu danbeeyey ee lagu xoreeyey deeganada Jubaland oo ay kamid yihiin Buulo Xaaji, Harboole iyo Janay Cabdalle, isagoo sidoo kale xusey dadaaladii lagu furay waddada u dhaxaysa Kismaayo iyo Afmadow. Ergayga ayaa faahfaahin ka bixiyay xasilinta laga sameeyey Deeganada Galmudug, Konfur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Mudane Cumar Xaashi, ayaa dul istaagay muhiimada ay leedahay in la helo xasilin waarta iyo sidii wax looga qaban lahaa kaabayaasha dhaqalaaha; biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo sidii bulshada ku dhaqan deeganada la xoreeyey loogu tababari lahaa wax soosaarka beeraha , kaluumaysiga iyo dhaqashada xoolaha nool.




From the comments