Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadd federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb-galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa lagu xusayay taariikhda dheer iyo guulaha Turkiga ka gaaray horumarka iyo dowlad-dhisidda tan iyo markii ay noqotay jamhuuriyad.
Mudane Saalax Axmed Jaamac oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo dowladda Turkiga, isagoo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.




From the comments