Af-soomaaligu wuxuu xambaarsanyahay dhaqankeenii, sooyaalkeenii, suugaanteenii, Hiddeheenii iyo wax kastoo qeymo iyo abde inoo leh sidaa darteed waxaa lama huraan ah in aqoonta aas-aasigaa asaga loogu horaysiiyo oo qoristiisa quman, qaabka ugu habboon ee loogu dhawaaqo, iyo eray bixintiisaba yaraanta lagu baro carruurta.
Sidoo waa waxa koobaad ee kartida iyo aqoontada qofka lagu qeymeeyo oo haddii uu Af toosan oo toolmoon ku hadlayo waxaa lagu tiriyaa ama loo tixgeliyaa inuu aqoon ahaan dhisanyahay, balse haddii uu qofku qoraal ahaan ama dhawaaq ahaan Afsoomaaliga qaab aan hagaagsanayn u adeegsado tayadiisa iyo tacliintiisa ayaa durbadiiba la duraa ama la dhaliilaa.
Tan kale sida loo kala hadal qurxoonyahay ayaa loo kala saamayn iyo soo jiidasho badanyahay, oo qofka aftahanka ah oo erayada, Naxwaha, hab-dhawaaqa, iyo dhismaha weerahaba aad ugu wanaagsan ayaa la jecelyahay oo ay dadku inta badan taageeraan, oraahyadiisana sidii waanada wadaadada ugu dheg raariciyaan.




From the comments