Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay kulankii 22-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa looga wadatashanayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maamulka Maaliyadda Dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow ayaa soo dhaweyn kadib furitaankii shirka waxa ay dhageysteen talooyinka Wasiirada Dowlad-Goboleedyada, waxa ayna ka jawaabeen su’aalaha la xiriira horumarinta Maaliyadda iyo wadashaqeynta guud.




From the comments