Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo safar ku maraya deegaannada maamulka ayaa maanta gaaray degmada Ceel-Baraf ee Gobalka Shabeellada Dhexe.
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Fannaaniin iyo wariyayaal ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweynaha.
Maamulka, Dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qeybaha bulshada degmada Ceel-Baraf ayaa si weyn u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Dowaladda Hirshabeelle, degmada ayaa lagu wadaa inta uu joogo inuu la kulmo bulshada qeybaheeda kale duwan.




From the comments