Mudaaharaadyo ayaa shalay oo Isniintii ka dhacay magaalada Caracas ee caasimadda Venezuela, iyadoo boqolaal dhallinyaro ah ay socod ku soo mareen waddooyinka iyagoo ka careysan doorashada madaxtinimo, taas oo lagu dhawaaqay in markii sedexaad uu ku guuleysatay Nicolás Maduro.
Ciidamada ammaanka ee dalka Venezuela ayaa sunta dadka ilmaysiisa iyo rasaasta badan oo cinjirka ka sameysan u adeegsaday shacabka ka bannaanbaxayay natiijada doorashada Axaddii dhacday ee muranku ka taaganyahay, madaxweynaha guuleystay ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay qiyaano.
Maraykanka iyo dalalka caalamka ayaa cambaareeyay natiijada rasmiga ah ee codbixintii Axaddii, taas oo aan u muuqan mid ku habboon qiyaasaha tirakoobka ee ku salaysan tirinta qaybo ka mid ah iyo xog kale oo muujinaysa in madaxweynaha uu ku guuldareystay codad ballaaran taas oo lagu shubtay.




From the comments