Doorashooyinka dalka Faransiiska ayaa siweyn waxaa loogu jabiyay xisbiga uu hoggaamiyo Macron, kadib markii xisbiga Isbaheyda bidixda uu helay natiijo lama filaan ah, kadib markii ay heleen 182 Kursi, halka xisbiga dhextaalka ee uu hoggaamiyo madaxweynaha talada haya uu 168 Xildhibaan.
Codbixiyeyaasha ayaa u muuqda iney iska diideen xisbiga Midigta Fog, kaas oo doorashooyinka kala yimid 143 kursi, marka loo eego 500 ee kursi ee lagu tartamayo, doorashada shalay dhacday Axaddii ayaa ka dhigan in xisbiga xisbiga dhextaalka uu waayay Aqlabiyadda Baarlamaanka oo 289 Xildhibaan.
Macron ayaa horay u iclaamiyay doorashadan oo uu waqtigeeda kasoo hormariyay, kaddib guulihi uu xisbiga midigta fog ee La Pen kasoo hooyay doorashooyinki baarlamaanka Yurub, waxaana muuqata in doorashadaan uu siweyn ugu jabay xisbiga Midigta oo ay hoggaamiso Marine Le Pen oo 143 helay.




From the comments