Guud ahaan Dalka Britain, waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay, iyada oo si aada loo saadaalinayo in xisbiga mucaaridka ah ee Shaqaalaha uu guul weyn kasoo hoyn doono.
Xisbiga talada haya ee Muxaafidka ayaa Arbacadi shalay qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta, iyaga oo ka digay in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono kuraasti ugu badneyd ee baarlamaanka marki ugu horreysay taariikhda Ingiriiska.
Keir Starmer oo ah mudane ka tirsan Aqalka Baarlamaanka isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa lagu wadaa in uu noqdo ra’isulwasaaraha soo socda ee Britain.




From the comments