Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin gaar ah oo xusuus iyo sharaf u leh dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalintii dalkeenna uu ka xoroobay gumeysiga isla markaana gobannimada iyo dowladnimada ay ka hanaqaadday dhammaan gobollada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay shacabka in ay sii xoojiyaan isku duubnida iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda kala dhaxaysa, si loo gaaro horumar iyo nabad waarta.




From the comments