Dowladda Pakistan ayaa lagu wadaa in ay bilowdo wajigii labaad ee qorshe muran badan dhaliyay oo qaxootiga Afgaanistaan ee aan sharciga haysan dib loogu celinayo dalkooda, kuwaas oo dalkaan soo galay markii xukunka ay qabsadeen Taliban.
mas’uuliyiinta Pakistan ayaa qorshaynaya inay dalka ka saaraan in ka badan 800,000 oo Afgaanistaan ah, ka dib markii ku dhawaad 541,000 lagu qasbay inay dalkooda ku noqdaan wajigii hore oo ku beegnaa bishii November ee sannadkii tagey.
qaxootiga reer Afgaanistaan wajahaya xarig iyo masaafurin, haddii aysan u hoggaansamin qorshahan ay waddo Xukuumadda Islaamabaad ee ayaga ka dhanka ah.




From the comments