Goobjoog

BOGAADIN GOGOL- NABADEED BAAQ & MAHAD-CELIN

Waxan u mahadcelinayaa Hogaanka Galmudug ee Xiligiisu Dhamaaday oo Gogashaan Dhigay Dhuusamareeb, sidoo kale waxaan mahad ballaaran ujeedinayaa culimadii , waxgaradkii , odoyaashii ,siyaasiyiin deegaanka ah.

BOGAADIN GOGOL- NABADEED BAAQ & MAHAD-CELIN

( إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ) سورة الحجرات

Waxaan bogaadinayaa Dowladda Galmudug oo gogol nabadeed u fidisay beelihii Cabdudwaaq iyo Xeraaale  ee dhawaan ku dagaalamay waqooyiga Galgaduud .

Waxan u mahadcelinayaa Hogaanka  Galmudug  ee Xiligiisu Dhamaaday oo Gogashaan Dhigay  Dhuusamareeb, sidoo kale waxaan mahad ballaaran ujeedinayaa  culimadii , waxgaradkii , odoyaashii ,siyaasiyiin  deegaanka ah oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro heer Federaal iyo heer Galmdug  oo howshani suurtagaliyay in xal-nabadeed lag xaliyo ,masuuliyiintaas oo  waqti iyo dadaal dheeraad ah galiyay joojinta dhiiga walaalaha reer Galmudug .

Waxaan si gaar ah mahad ballaaran u jeedinayaa taliyiaha Ciidanka Booliska  Federalka qaybtiisa Galmudug Khaliif Cabdulle Maalin  iyo Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NISA) qaybtiisa Galmudug Faysal Ibraahim Caanood  oo xilwayn iska saaray illaahay kasokow sababna u ahaa joojinta colaadaas.

Waxaa sidoo kale BAAQ NABADEED u dirayaa beelaha walaalaha ah ee Galdogob iyo Bandiiradleey ee dirirta dhaxmertay , beelahan oo dhaqan, dhalyo iyo darisba wadaaga waxaan leeyahay dagaalka shuruud la’aan hala joojiya oo xal nabadeedna halagu xaliya colaada

Maamulada Puntland iyo Galmudug , culimada , isimada , cuqaasha  iyo siyaasiyiinta labada deegaan  iney ka wada qayb-qaataan joojinta colaada iyo dhiiga walaaalaha daadanaya.

Dagaal beeleedyada waxay ay shaki la’aan fursad siinayaan cadawga ummadda Soomaaliyeed oo ah  Argagaxisada arxanka daran Al-Shabaab, sidaa darteed dhiiga walaalaha muslimiinta ah ee dhaqan iyo dhalyaba wadaaga nabad iyo xal waaro laga gaara.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments